MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Chelsea ayaa guul weeyn ka gaartay dhigeeda Liverpool ciyaar aad u adkayd oo labada koox ku dhex martay garoonka Anfield.
Blues ayaa qeybtii hore ee ciyaarta gacanta sare lahayd iyadoo inta badan kubadda maamulkeeda haysay waxaan lagu kala nastay 0-0.
Qeybta labaad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa lasoo baxday kubadeeda lagu yaqaano ee ah weerar ku dhisan orodiyo deg deg waxaana cabsi ku abuurmay daafacii Chelsea.
Reds ayaa ciyaarta hogaankeeda qabatay kadib markii gool qurux badan uu u saxiixay xiddiga Daniel Sturridge daqiiqadii 59aad.
Tabaraha Chelsea Sarri oo xaalada ay ku xuntahay ayaa ciyaarta soo galiyay Eden Hazard iyo Kante isagoo garoonkaka saaray Willian iyo Kovacic.
Goolka bareejada Chelsea ayaa yimid daqiiqadii 79aad waxaan u saxiixay xiddiga Emerson oo ciyaarta ka dhigay 1-1.
Dhamaadkii ciyaarta kooxda Chelsea ayaa keensatay goolka guusha waxaana gool cajiib ahaa u saxiixay Hazard oo sida maskii usoo dhex maray daafacii Liverpool oo isha ka daawanayay.
Ciyaarta guud ahaan kusoo dhamaatay 2-1 oo guusha ay ku raacday Chelsea oo sidaasna isaga xaadirisay wareega xiga ee Tartanka.
