Tareen 19 Neef Geel ah ku dilay inta u dhaxeysa Jabuuti iyo Itoobiya

Tareenka Dowladda China ay sameysay ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dilay Sagaal  iyo toban Neef oo Geel ah.

Tareenka ayaa ka baxay magaalada Jabuuti,waxaana uu ku sii jeeday magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Dadkii saarnaa Magaalada oo gaarayay 250 Qof,ayaa safarkoodii waxaa ku yimid 20 Saacadood oo dib u dhac ah.

Shilka ayaa dhacay Sabtigii la soo dhaafay,Maamulka Tareenka iyo labada dowladood ayaa isku afgartay in ay bixiyaan Magta Geela oo gaareysa $17,100 Doollar.

Heshiiska ayaa waxaa ku jirta in Magta Geela la bixiyo kaddibna uu Tareenka shaqadiisa dib u billaabo.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Shuute: “Ciidanka magaalada lagu dhex hayo dhib ayey ku yahaan shacabka”

Read Next

Qalbi-dhagax: ‘Hoggaanka ONLF waxaa ay tagayaan Hargeysa’