Shuute: “Ciidanka magaalada lagu dhex hayo dhib ayey ku yahaan shacabka”

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa ka hadlay dilalka ay Muqdisho ka geysteen Ciidamada dowladda todobaadyadii la soo dhaafay.

Guddoomiye Xasan Cali Nuur ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in Ciidamada Milatariga ay ku dhex heyso Magaalada islamarkaana ay amaan darrada magaalada qeyb ka yihiin.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Milatariga haddii loo diri lahaa aagagga hore ee dagaalka aysan Magaalada dhib ka geysan lahayn oo aysan dili lahayn dadka shacabka ah.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Askartii Muqdisho ku dishay Gabadha 9 jirka ahayd,kuwii dilay wiilka Bajaajlaha ahaa iyo kuwii dilay wiil watay Gaari nooca Raaxada ah.

Waxaa kale oo uu Xasan Cali Nuur Shuute ka hadlay dil loo geystay Gabar dhiganeysay Jaamacad ku taalla Muqdisho oo inta Fasalka loogu galay laguna dhexdilay.

Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in inta Ciidamada Milatariga ay ku jiraan gudaha ay fursad helayaan kuwa faldamiyeedyada geysta sida tuugonimada iyo in Al-shabaab aan culeys la saarin oo ay dadka shacabka ah ku dilaan Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

Aas aasayaashii Instagram oo isaga tagay sharikadda.

Read Next

Tareen 19 Neef Geel ah ku dilay inta u dhaxeysa Jabuuti iyo Itoobiya