Deschamps oo sheegay cida ku guuleysan karta Macalinka ugu fiican Aduunka.

Tababaraha  xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa u saadaaliyay Tababaraha  ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Zinedine Zidane inuu ku guuleysan doono abaal marinta FIFA ee macalinka aduunka ugu fiican 2018.

Didier Deschamps ayaa xulka France kula guuleystay koobkii aduunka ee sanadkan lagu qabrat dalka Russia wuxuuna sheegay in Zidane uu ku guuleysan karo abaalmarinta macalinka sanadaka wuxuuna yiri”

“Dabcan Zinedine Zidane wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto abaal marinta macalinka ugu fiican aduunka 2018, sababtoo ah wax walba ayuu u soo sameeyay kooxda Real Madrid”.

“Zidane wuxuu u qalmaa abaalmarinta xidiga sanadka aduunka ee FIFA ka dib markii uu kula soo guuleystay Real Madrid saddex jeer ee xiriir ah tartanka Champions League”.

Xiriirka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday in saddexda tababare ee dhanka raga isugu soo hartay abal marinta macalinka adunka ugu fiican ay kala yihiin Deschamps, Zidane iyo Dalic Zlatko.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Liverpool oo kuso biirtay loo lanka loogu jiro Adrien Rabiot.

Read Next

Kylian Mbappé oo sadax kulan ka maqnaandoona PSG, Sabab?