Kylian Mbappé oo sadax kulan ka maqnaandoona PSG, Sabab?

Weeraryahanka kooxda PSG iyo xulka France ee Kylian Mbppe ayaa ka maqnaandoona kooxda PSG sadax kulan oo xirir ah.

Gudiga anshaxa ee ururka kooxaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in weeraryahanka kooxda PSG ee Kylian Mbappé uu mari doono ganaax 3 kulan ah, kadib markii uu qaatay kaarka roosaha ee toos ah kulankii ugu dambeeyay ay ka ciyaareen horyaalka dalka France.

Weeraryahanka kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa seegi doona saddexda kulan horyaalka France Ligue 1 ee kala ah Saint-Étienne, Rennais iyo Reims ee la ciyaari doono 14, 23 iyo 26 ee bishan Sebtembar.

Maqnaanshiyaha Kylian Mbappé ee kulanka Saint-Étienne ayaa waxay dhibaato xoogan ku noqon doontaa tababare Thomas Tuchel, maadaama ay Liverpool afar maalmood kadib kaga hor imaan doonaan tartanka Champions League.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in arintan ay saameyn xoogan ku yeelan karto diyaar garowga Kylian Mbappé kulanka Liverpool ee Champions League.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Deschamps oo sheegay cida ku guuleysan karta Macalinka ugu fiican Aduunka.

Read Next

Arturo Vidal oo dhaawac soo gaaray,Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?