Liverpool oo kuso biirtay loo lanka loogu jiro Adrien Rabiot.

Kooxda Liverpool ayaa wadahadal la furtay xiddiga qadka dhexe ee PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Express ayaa baahisay in Liverpool ay xiriir la samaysay 23 jirka reer France ee Adrien Rabiot kadib markii uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo PSG.

Adrien Rabiot ayaa xaq u leh inuu wadahadal la gali karo kooxdii uu doono marka la gaaro bisha Janaayo maadaama xiligaas qandaraaskiisa ay ka harayso kaliya 6-bil.

Liverpool ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga faa’idaysan lahayd is afgarad la’aanta ka dhexeeya Adrien Rabiot iyo PSG.

Tababare Klopp ayaa doonaya inuu ku qanciyo Adrien Rabiot doorashada Liverpool oo yaraantiisii uu taageeri jiray.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Duqa Degmada Boosaaso oo la doortay

Read Next

Deschamps oo sheegay cida ku guuleysan karta Macalinka ugu fiican Aduunka.