Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Israsaaseyntan ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa u dhaxeysay Ciidamada ammaanka Magaalada Garoowe iyo askar horay ugu tirsaneed oo dhowaan shaqada laga saaray kadib markii wax qabad la’aan lagu eedeeyay.
Inta la xaqiijiyay labo sarkaal oo midkood yahay Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal Faarax Warsame Galangooli, waxaana dhaawac gaaray dhismaha Taliska Booliiska, Xarunta Dambi baarista iyo Taliska qaybta oo hal meel kuwada yaalla.
Taliye Faarax oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in firir kasoo gaaray shaqaaqada uu iska soo saarayo, waxa uuna ku hanjabay in ay Cadaaladda hor geyn doonaan dadkii ka dambeeyay falkaan.
Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in ay aan loo xannibnaan doonin askarta shaqadooda gaba, howlaha sugidda ammaanka Garoowe uu halkiisa kasii socon doono.
Ciidamada weerarka qaaday ayaa katirsanaa Booliiska Magaalada Garoowe, waxayna wararku sheegayaan in ay ka careysnaayeen shaqo ka saarid lagu sameeyay.
Waxyaabaha fududeeyay in ay Saldhigyada weerarayaan ayaa lagu sheegay in aan hubka laga qaadin kolkii la ruqseenayay.
