Dowladda Soomaaliya oo Madaxweynaha Jabuuti ku eedeysay in uu sameysanayo muddo kororsi!

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay fariisin ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Beled-xaawo gobolka Gedo ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku eedeeyay in uu samaysanayo muddo Kororsi.

Taliyaha oo soo hadal qaaday sida ay Dowladda Soomaaliya uga xumaatay bayaankii ay soo saareen guddigii Xaqiiqo raadin ahaa ee Madaxweynaha Jabuuti u soo dirtay xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in go’aankaas uu Geelle u qaatay mudo kororsi darteed.

“Waxaa ayaan daro ah In dowladda Jabuuti ama Ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, waa ayaan daro” ayuu ku yiri Muuqaal kooban oo laga soo duubay taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya.

General Biixi oo hadalkiisa siiwata ayaa ku nuux-nuuxsaday ”Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaa, Shacabka Reer Jabuuti waa walaalihiin!, raalli kama ay ahan waxa lagu hadlay iyo waxa ka soo baxayba, waxa ay qaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle ee uu ku dherarsanayo Xukunkiisa”.

“Iskagama qasaarinayo hub iyo rasaasba sida aan hada uga furanay ayaan ugu furanaynaa”ayuu ku goodiyay Generaal Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed ka hadlay saldhig ay Beled-xaawo ku leeyihiin ciidanka Dowladdu ku daabushay gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Kooxdii loo xilsaaray in ay baaraan sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arimaheeda gudaha ayna hubeyso maleeshiyad si ay u qalqal geliso amaanka wadankan deriska la ah ayaa sheegay] in aysan jirin wax cadeyn ah oo arintaas xaqiijinaya.

“Guddigu wuxuu tixgelinayaa cabashooyinka kayimid Dowladda Somalia, oo qaarkood soo jireen ahaa oo aysan u muuqan in ay ku filnaan karaan in lagu caddeeyo kala-go’idda diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Waa run in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixin kooxdan oo ay soo saartay.

Waxa ay intaas ku dareen in khilaafkaasi uu saameeyay lagana dhaxlay cawaaqib xumo ah, in 3,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo dhigta iskuullada Kenya ay waxbarashada ka haraan sababo la xiriira khilaafka diblumaasiyadeed.

MM Staff

Read Previous

Muxuu saabsanyahay socdaalka James Swan ee magaaladda Kismaayo?

Read Next

Sawirro: Qabqabasho ballaaran oo ka dhacay guud ahaan Ruushka intii lagu guda jiray isu soo baxyadii Navalny!