Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase yeeshee, taariikhda Soomaaliya waxa ay muujinaysaa in murannada doorashooyinka iyo go’aannada Maxkamadda Sare ay marar badan noqdeen arrimo xasaasi ah oo saameyn siyaasadeed yeesha.
Arrintaasi waxa ay taariikhda garsoorka Soomaaliya gelisay su’aal muhiim ah: maxaa dhacaya marka ay Maxkamaddu gaarto go’aan doorasho oo aanay ku qanacsanayn awoodda siyaasadeed?
1963–1964, Maxkamadda Sare waxa ay qaadday go’aanno ka dhan ahaa tallaabooyin ay qaadeen Dowladda iyo maamulka doorashooyinka.
Maxkamadda waxa ay ka garnaqday Kiiskii kala dirista Golaha Deegaanka Muqdisho, waxa ayna sharci-darro ku tilmaantay kala-diristii Golaha ee Wasiirka Arrimaha Gudaha sameeyey, waxa ayna amartay in Goluhu shaqadiisa sii wato.
Doorashadii Baarlamaanka ee 1964, Maxkamaddu waxa ay sidoo kale gashay murankii degmada Marka, halkaas oo la ogaaday in 300 cod oo aan la dhiiban lagu daray natiijada. Waxay baabi’isay go’aankii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, waxa ayna amartay sixidda natiijada iyo ansixinta laba kursi oo ay kala heleen Xisbiyada SDU iyo SNC.
Go’aannadaas waxaa saluugay Xukuumaddii iyo xisbigii talada hayay ee SYL, waxaana xigay xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka Dr. Giuseppe Papale, lagu badaley Aldo Peronaci.

Dhammaadkii 1968, wax yar ka hor doorashadii 1969, waxaa jirtay cabsi la xariirto kaalinta Maxkamadda sare ee doorashooyinka iyada oo maanka lagu hayo kiisaskii hore, waxaana mar kale isbeddel lagu sameeyay hoggaanka Maxkamadda Sare ee Dalka Aldo Peronaci, xilkana waa laga qaaday, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay Cabdiraxmaan Sheekh Cali Saciid. Mucaaradkii xilligaas ayaa arrinta ku sifeeyey mid lagu saameynayo murannada doorashada soo socota, halka dowladdu ku sababaysay Soomaaliyaynta garsoorka, waxaana ka dhacay kiisas caan ah oo magacyo sameeyey.
Taariikhda dhow, doorashooyinkii dadbanaa ee 2016/2017, Maxkamadda Sare oo uu Guddoomiye ka ahaa Ibraahim Iidle Suleymaan waxay amartay in dib loogu noqdo doorashada qaar ka mid ah kuraastii muranku ka taagnaa, balse waxaa diiday fulinta go’aankaas siyaasadda, waxaana Baarlamaanka uu u codeeyey in aan la fulin Go’aanka Maxkamadda.
Sidoo kale 2022, markii uu Maxkamadda Sare gaaray murankii kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin, Maxkamaddu waxay go’aamisay in aysan awood sharciyeed u lahayn ka-garnaqidda murankaas.
Xukunka la xiriira Galmudug wuxuu mar kale dib u soo celiyay doodda taariikhiga ah ee ku saabsan kaalinta Maxkamadda Sare ee murannada doorashooyinka iyo in doorashooyinku mar walba ahaayeen imtixaanka ugu adag ee madax-bannaanida garsoorka Soomaaliya.
Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya cidda ku guuleysatay ama ku khasaaray xukunka maanta, balse waa Garsoorka ma dhisaysaa mabda’ sharci oo joogto ah oo lagu hago murannada doorashooyinka Soomaaliya, mise go’aan kasta wuxuu ku xirnaan doonaa duruufaha siyaasadeed ee waqtigiisa?
_________________________________________________________________
WQ: Avv. Cali Adan Yusuf (Cali Soomaali) |Garsore hore Maxkamadda gobalka Benadir iyo Lataliye hore Machadka Tababarka Garsoorka, Maxkamadda sare ee JFS.
Gmail: Calisomali400@gmail.com
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
