Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?

Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug isla markaana ay ku amartay in dib loogu laabto markale doorasho ka duwan tan la tirtiray.

Urur siyaasadeedka Towfiiq oo dood badan horay uga keenay natiijadii uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka isaga oo bogaadiyay tallaabadaan oo kalsooni buuxda sii siinaysa hay’addaan iyo doorashadaba.

War kasoo baxay hoggaamiyaha Ururka Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka waxaana uu ku baaqay in laga fogaado wax weliba oo kahor imaanaya shuruucda doorashada sida uu hadalka u dhigay.

“Waan u mahadcelinayaa guddoonka Maxkamadda Sare ee dalka sida ay caddaalad u muujiyeen, taageerayaasha Towfiiq waxaan ugu baaqayaa inay go’aanka maxkamadda si wanaagsan u soo dhaweeyaan.” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Marka la eego Xeer-dejinta Soomaaliya waxaa fariimo is diidan ay kasoo kala yeereen Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka, qaarkood ayaa taageeray go’aanka baabi’inta doorashadii ka dhacday Galmudug, halka qaar kale ay ku doodeen in aanay habbooneen in guud ahaan la masaxo natiijadaas.

Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa arrintaan maangal ahayn ku tilmaamay in guud ahaan waxba kama jiraan laga dhigo doorashadii ka dhacay Galmudug, waxa ku doodday in ay habboon tahay meelaha qaladaadkaas ka dhacay keliya go’aanka maxkamadda sare lagu jiheeyo.

“Hal degmo waa qalad waa macquul laakiin deegaankii oo dhan iyo degmooyinkii wixii laga soo qabtay waa qalad cid aan ka dhageysanayno malahan, waana dulmi cad.” Ayay tiri Xildhibaan Qaali Cali Shire Cadceed oo katirsan Golaha Shacabka BFS.

Xildhibaanad Faa’isa Maxamed Jeyte ayaa taageertay go’aanka maxkamadda sare ee dalka ay ku diiday natiijadii doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo bogaadisay tallaabadaas iyo go’aankaas maxkamaddu qaadatay.

“Go’aanka Maxkamadda waan taageersanahay, maxkamadda haddii aan lagu kalsoonaaneynin in la aado ma’ahayn, maxkamadda wax badan bay ilaalisay oo anshaxa ah.” Sidaasi waxaa tiri Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo xubin ka ah BFS.

Xildhibaan Ilyaas Axmed Ibraahim ayaa go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ku tilmaamay mid khaldan oo aan laga fiirsan, waxa uu shaaciyay in ay jiraan faragelin gudaha iyo mid dibadda ah inkasta oo uusan si toos ah u faahfaahin.

“Doorashada isku duub in la dhaho waxba kama jiraan waaye waa qalad, xogaha aan helayno waxa ay sheegayaan in ay jiraan farogalinno gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo lagu doonayo ajandaha doorashada dalka in lagu majaxaabiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas Axmed Ibraahim oo katirsan Golaha Shacabka BFS.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa baabi’inta doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug ku tilmaamay go’aan xididaha u adkaynaya awoodda Maxkamadda Sare ee Dalka iyo kalsoonida lagu qabo.

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee JFS ay ku diidday doorashadii Galmudug waa mid dowlad-dhiska Soomaaliya ulamid ah kacaankii sharafta lahaa ee Ingiriiska ee 1688 iyo kii Faransiiska ee 1789, kuwaas oo horseeday dowladnimo ku dhisan hay’ado kala madaxbannaan.” Sidaasi waxaa yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad

Dhammaadkii sannadkii tagay waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hirgelisay Doorasho Dadweyne oo ay ku tartameen Ururro kooban, taasi oo ka qabsoomtay Muqdisho, waxaa xigtay Koofur Galbeed iyada oo ugu dambaysay doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed