Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada oo sannadkaan ay ku dhaceen tiradii ugu yarayd ee maamulkaas diiwaangeliyay sida hadalka loo dhigay.
Tirada guud ee Ardayda gashay Imtixaanka Dugisga Sare ama fasalka 12aad waa 16,078 Arday waxaa baastay 16,051 halka ay ku dhaceen 27 Arday, tani oo ka dhigan marka lagu qiimeeyo celcelinta boqolleyda 0.2% in ay dhacday.
Ardayda farsamada Gacanta ayaa sannadkaan guud ahaan baastay mana jiro Arday katirsan qaybtaas oo ku dhacay Imtixaanka Shahadiga ah ee Dugsiga Sare ee laga qaaday sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed.
Imtixaanka Dugsiga Dhexe ama fasalka 8aad waxaa gashay Arday gaaraysa 26,116 waxaa baastay 25,860 iyada oo ay dhaceen 256 oo u dhigan 0.1% in ay dhaceen Ardaydaas sida lagu sheegay warbixinta Shaacinta natiijada.
Mustaqbal
