Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya?
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in biyo xireenka Itoobiya ay horay u dhistay uu xannibay biyihii u gudbayay Masar, waxa uu soo jeediyay in Xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahira ay kawada hadlaan xiisadda arrintaas ka dhalatay ee taagan.
Donald Trump ayaa sheegay in uu dhexdhexaadin karo Masar iyo Itoobiya sidaas awgeed Dowladdiisa ay caddaynayso sida uu Biyo xireenka u dhibaateeyay qulqulka Biyaha Nile ee Masar ku hoorayay sida uu hadalka u dhigay.
Trump ayaa sheegay in haddii booska ay joogto Masar lana kulmi lahaayeen xaaladda biyo la’aanta ah ay duqayn lahaayeen Biyo xireenka dhaqaalaha badan ay gelisay Itoobiya ee dhibaatada ku noqday Xukuumadda Qaahira.
“Biyo xireenka Itoobiyo waxa uu xannibay Masar, waxaana uu dhibaato ku yahay qulqulka Biyaha Nile, Haddii aan Masar ahaan lahaa, waan duqayn lahaa biyo-xireenkaas” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump
Itoobiya ayaa horay u diiday dhexdhexaadinta Maraykanka, waxa ay Maamulka Trump ku eedeysay in uu u janjeero dhinaca Masar, waxaa arrintaasi ka dhashay falcelin xooggan oo kasoo noqotay dhinaca Xukuumadda Washington.
Mustaqbal
