Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaannada dhaca Bariga Gobolkaas sida ay ku warrameen saraakiil iyo ilo deegaanka ah.

Ciidanka Federaalka ayaa kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda waxaana ujeedka howlgalkooda lagu sheegay in culayska AS ay saartay deegaannada Bariga Gobolka Hiiraan ay uga hortagi lahaayeen sida hadalka loo dhigay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay wadaan dhaqdhaqaaq xooggan oo ay uga hortagayaan duullaankaas AS si ay Ciidamadu gacanta ugu dhigaan Deegaannada ay AS joogaan ee Gobolka Hiiraan katirsan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ciidamo xoojin ah ku gayneyso Deegaanno katirsan Maamulka HirShabeelle si looga hortago weerarrada AS ay ku beegsanayaan Saldhigyada Ciidamada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa 

Read Next

Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka