Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in uusan ahayn hoggaamiye si dhab ah u qaadan kara mas’uuliyadda lagu soo afjarayo dagaalka dalkiisa uu kula jiro Ruushka.

Trump ayaa Dadka Ukraine u sheegay in ay u baahan yihiin Madaxweyne Cusub oo dareemi kara mas’uuliyaddaas lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka sidoo kalena Maraykanka la gaari karo heshiiska lagu horumarinayo Macdanta Dalkaas.

Donald Trump ayaa maalin kahor waxa uu dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin waxa uu la galay heshiis uu uga iibsanayo naaftada si uu isaga yareeyo culayska kasoo wajahaya dhinaca Doorashada dhexe ee Dalkiisa ee lagu wado in ay dhacdo bisha soo socota.

Tani waxa ay sii xoojinaysaa xiriir xumada ka dhaxaysa Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky oo dhowr jeer oo horay isku qabtay wadahadallo toos ah iyo kuwo teleefan oo dhexmaray.

Maraykanka ayaa Ukraine ka taageera dhinaca Militariga isaga oo dhowr jeer sheegay in uu ka difaacayo Dalkii ay horay u kala go’ayn ee Ruushka balse taasi baddelkeeda Madaxweyne Trump ayaa u muuqda in uu la saftay dhiggiisa Putin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan