Dowladda Pakistan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay Gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo gacanta ugu jira Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Imran Khan oo la xiray August 2023.
Xukuumadda Islamabad ayaa ku doodday in xaaladdaan lasoo rogay si loo xakameeyo duruufaha dhinaca Amniga ah iyo in laga hortago Rabshadaha ay samayn karaan Taageerayaasha Ra’iisul Wasaare hore, Imran Khan.
Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari ayaa ansixiyay go’aanka golaha wasiirrada ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif si gacan sharci oo adag loogu qabto Gobolka Khyber Pakhtunkhwa loona wiiqo awoodda Taageerayaasha Imran Khan.
Waxaa la arkay Gawaari waa weyn oo ah kuwa loo adeegsado ololaha doorashooyinka lagu xardhay boorka sawirka Ra’iisul Wasaaraha xiran ee Pakistan, Imran Khan oo muddo 3 sano ah xabsi ku jira isaga oo wajahaya xaalado adag.
Mustaqbal
