Madaxda sare ee Dalka oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka mas’uuliyiin kale oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyed oo ka dhacday Villa Somalia

Inta munaasabaddu socotay waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan ka qaatay Saraakiil katirsan Ciidamada Soomaaliya si loo maamuuso taariikhda iyo mudnaanta ay leedahay 12ka October oo ah markii lasoo bandixiyay Calanka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka sare ee Ciidamada Dalka sida Booliiska, Xoogga Dalka, Nabadsugidda, Asluubta, Ciidanka Cirka iyo Badda iyada oo salaantu uu Madaxweynaha ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada Badda iyo Cirka.

Calanka Soomaaliya waxaa lasoo bandixiyay sannadkii 12kii October sannadkii 1954tii, waana 6 sano kahor waqtigii lagu dhawaaqay in ay Soomaaliya madaxbannaani ka qaadatay Gumaystihii kala qaybiyay ee Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Maalinta Calanka waxa ay kamid tahay maalmaha la maamuuso ee Soomaaliya u diiwaangashan, waxaa dib loo xusuustaa Halgamayaashii Soomaaliyeed ee Naftooda huray in ay ka xorroobaan gumaystihii kala qaybiyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

139 qof oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay Doon kula rogmatay Xeebaha Jabuuti