Dowladda Soomaaliya oo falal amniga lid ku ah ku eedeysay Ciidamo taabacsan MW hore Shariif

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in aysan wax gorgortan ah ka gali doonin sugida Amniga, xilli ay eedeysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inuu ku lug leeyahay khalkhalgalin Amni.

NISA ayaa soo bandhigtay ilaa saddex dhacdo oo ay ku lug lahaayeen Ciidamo ka amar qaata madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kuwaasi oo ka kala dhacay degmooyinka Wadajir iyo Waaberi.

“Caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Sidoo kale, waxaa jiray labo dhacdo oo la diiwaan galiyay bishii June 24 ilaa 27 keedii, iyadoo mar kale askar taabacsan Sheekh Shariif ay hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka howlgalayay Waaxda General Daa’uud.

“NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada” ayaa lagu xusay Bayaanka NISA.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal hayay weerar la sheegay in ciidanka dowladda ku qaadi doonaan guryaha siyaasiyiinta Mucaaradka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya?

Read Next

Soomaaliya & Uganda oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka ah AS