139 qof oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay Doon kula rogmatay Xeebaha Jabuuti

Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa si wadajir ah u xaqijiyeen in la helay Maydadka dad gaaraya 30 qof oo la socday doon ka baxday Dalkaas una sii jeeday Dalka Yemen sida ay ku warrameen mas’uuliyiinta labada dhinac.

Ugu yaraan 109 ayaa waqti hore ku dhimatay doonta waa xiligii ay rogmatay, dedaal waxaa laga helay 30 kale iyada oo wadarta ka dhigaysa 139 qof oo geeriyootay, waxaa la badbaadiyay 82 ruux halka weli raadinayo 84 qof oo baadigoobkooda uu socdo.

Dhammaan dadkaan waxa ay u dhasheen Itoobiya, waxaana dadka dhintay ku jira 15 qof oo Carruur ah oo la socday ehelkooda, waxaana hadda gacanta ku haya mas’uuliyiin ka kala tirsan Jabuuti iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Sababta rogmashada keentay ayaa lagu sheegay xaddiga dadka la socday doonta oo badnaa iyo badda oo aad u ka kacsan, Dadku ma helin gurmad degdeg ah waana tan keentay in ay ku haftaan Biyaha Badweynta halkaasina ay ku dhintaan.

Qulqulka Itoobiya ka cararaya colaadda ka jirta Dalkooda ayaa kordhay, waxa ay intooda badan aadeen Dalalka deriska ah si ay qaarkood uga sii tahriibaan una aadaan Dalalka Khaliijka iyo kuwa Yurub oo ay aaminsan yihiin inay ku helayaan nolol uga wanaagsan tan dalkooda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Masar oo lagu eedeeyay in ay duqayn ku dishay Macdan qodoyaal u dhashay Suudaan

Read Next

Madaxda sare ee Dalka oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed