Kenya oo howlgallo ka dhan ah AS ka billowday Ismaamullada Mandheera & Gaarisa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay qaadday howlgallo culus oo ka dhan ah AS kaddib markii ay kordheen weerarrada iyo qaraxyada ay ka gaysanayaan deegaanno katirsan Mandheera iyo Gaarisa sida ay hadalka u dhigeen saraakiil katirsan ciidanka Amniga.

Kenya ayaa ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa sida gaarka ah ugu tababaran ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada gaysay deegaannadii ugu dambeeyay ee qaraxyada iyo weerarrada ka dhaceen si ay u baaraan.

Waxa ay gacanta ku dhigeen Dad ay ku tuhmayaan inay katirsan yihiin AS ama ay xiriir la leeyihiin kuwaas oo deegaanka ah, waxaana ay ku wadaan su’aalo weydiin inkasta oo aan tiradooda iyo macluumaad dheeraad ah laga bixin.

Sarkaal katirsan Ciidanka Kenya iyo mid kamid ah Ilaaladiisa Jimcihii ku dhintay Qarax jidka loo geliyay, waxaa ka horreeyay weerarro lagu qaaday Saldhigyo Ciidan iyo Gaadiid isaga kala gudbayay Deegaanno katirsan Gaarisa iyo Mandheera.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo sheegay in ay ka qoomamaynayaan Dilka Madaxda Iiraan

Read Next

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbinaya Heshiiska Difaaca Maka