Ardaydii ugu yarayd oo ku dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare ee maamulka Waqooyi Galbeed
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira Waddamada Taageera waxa loogu yeero Argagixisada, iyada oo xayiraaddaan ay jirtay tan iyo 29kii December 1979 oo hadda laga joogo 46 sano iyo 8 bil.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in ay muddooyinkii dambe oddoros ku samaynayeen inay Suuriya gaartay hannaankii looga saari lahaa liiskaan iyada oo lagu qiimaynayo isbaddelka nabadeed iyo hoggaanka cusub ee dalkaas.
Marco Rubio oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in hadda maamulka jooga Suuriya la aamini karo isla markaana uu mudan yahay in laga saaro liiska dalalkaas taageera Argagixisada ee aanay fursado badan la siin.
Maxay tahay muhiimadda arrintaan ay u leedahay Suuriya?
Dhowr dhinac ayaa laga eegay muhiimadda ay arrintaan u leedahay Dowladda Suuriya ee ku dhalatay isbaddelkii lagu riday Hoggaamiyihii waqtiga dheer xilka haya sidoo kalena ka dhaxlay aabihiis waa qoyska reer Asad.
1-Maraykanka waxa uu ka qaadayaa xadidaadda Gargaarka isaga oo ogolaanaya Maalgashi.
2-Qalabka Militariga ah ayay ka iibsan kartaa Maraykanka iyo Dalka ay doonto.
3-Waxaa meesha ka baxaysa xakamaynta Ganacsi iyo tan maaliyadeed.
Intaas qodob, horay Suuriya ma u saamaysay?
Marka la eego danaha Suuriya kasoo galayay Maraykanka mooyee inta kale waxba kama reebin 46da sano ay saarnayd xayiraadda, Maamulka cusub ayaa u arkaa in albaabada Washington oo furma uu dalkiisa dib ugu soo celin karo dalal badan oo ay kala go’een sanado kahor.
Maraykanka isaga ayay dan u tahay in uu la falgalo Dowladda Suuriya maadaama uu meesha ka baxay maamulkii Al-Asad, ujeedka ugu weyn waa in uu ka dheereeyo ku xiranka Ruushka oo ay xifaaltamaan iyo in uu ka durjiyo dagaal uu dalkaasi la galo Israa’iil.
Mustaqbal
