Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?
Magaaladda Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa waxaa gaaray maanta oo Axad ah wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweyne kuixeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Amp James Swan oo shir kooban ku yeeshay garoonka diyaaha Kismaayo ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda halkaas oo qorshuhu yahay in ay la kulmaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen taageerada ay Hay’adaha Qaramada midoobay siiyaan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xaalada guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka Muranku haeeeyay ee Soomaaliya .
Arrimaha ugu muhiimsan ee Madaxweynaha Jubbaland & Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli laga heshiin.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay u tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe iyo Jowhar, isaga oo la kulmay Madaxweynayaasha saddexda dowlad Goboleed, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida xal looga gaari lahaa.
James Swan, ayaa hoggaamiyay Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo, taas oo keentay in Madaxweynaha uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka waxaana durba soo dhaweeyay wakiiladda Beesha caalamka baaqa madaxweyne Farmaajo.
