MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta isniin ah xaqiijiyay in uu la kulmay Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in kulanka oo ka dhacay hoyga Muqdisho uu ka degan yahay inuu ahaa Salaan uu Fahad ugu yimid, balse aan looga hadlin siyaasad xili dhawaan Madasha soo dhawaysay natiijada Shirkii Dhuusamareeb III.
“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta,” ayuu ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweyne Farmaajo lagu wado in uu ku dhawaaqo Saacadaha ama Maalmaha soo aadan Ra’iisul Wasaaraha cusub, ee bedeli doono Xasan Cali Khayre, oo 25-kii July 2020 Baarlamaanka Kalsoonida kala noqday.
