Militariga Mali iyo ECOWAS oo ku guuldaraystay in ay gaaraan heshiis rasmi ah.

Col. Assimi Goita, oo isagu ku dhawaaqay in uu yahay hogaamiyaha Golaha Badbaadinta Dadka, ayaa u tagay in uu la kulmo madaxwaynihii hore ee Nigeria iyo dhexdhexaadiyeha urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS, Agoosto 24, 2020.

Hoggaamiyeyaasha afgembiga milatariga ee dalka Mali iyo dhex-dhexaadiyaasha Galbeedka Afrika ayaa ku guuldaraystay in ay gaaraan heshiis lagu soo dhisayo dowlad ku-meel-gaar ah oo dalkaasi hogaamisa ka dib saddex maalin oo wadahadal ah.

Hogaamiyaha urur weynaha Galbeedka Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay Isniinta maanta ah, in loo ogolaaday in ay la hadlaan Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita, oo ku jira gacanta milatariga tan iyo markii uu is casilay usbuucii hore.

Jonathan ayaa sheegay in Ibrahim Boubacar Keita, uusan doonayn in uu xafiiska ku laabto laakiin uu dalbanayo in uu si dhakhso leh loo soo dhiso xukuumad si dimoqoraadi ah dalka doorasho ugu horseeda.

Jonathan ayaa sheegay, in Wadamada Galbeedka Afrika ay u taagaanyihiin Badbaadinta Dadka, isaga oo intaasi ku daray in ay ku heshiiyeen arrimo dhowr ah oo horay loogu sii wadayo wada hadala lagu soo dhisayo dowlad-wadaag ah.

Af hayeen u hadlay sarkaal xukumada Milatariga Afganbiga gaysa ayaa warbaahinta u sheegay, “Hogaamiyaasha ECOWAS waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aaddan qaab dhismeedka dawlad ku meel gaar ah, laakiin wuxuu sheegay in qaab dhismeedka ugu dambeeya ee kalaguurka ay go’aamin doonaan dadka reer Mali”.Hogaamiyayaasha Militariga ayaa waxay sheegeen in go'aanka mustaqbalka Mali ay shacabka u taallo

Ururka midowga Afrika ayaa waxay horey dalka Mali uga joojiyeen xubinnimadii ururkaasi, iyaga oo ku baaqay in militariga ay xukunka dib ugu celiyaan dowladdii rayidka ahayd.

Mr Keïta ayaa ku guuleystay muddo xileed labaad doorashadii 2018, balse tan iyo bishii June waxaa uu wajahayay dibadbaxyo ballaaran oo ay dadku ka cabanaayeen musuqmaasuq iyo wax-isdabamarin .

Ciidamada dalkaasi ayaa dhankooda ka careysnaa mushaaraadka iyo dagaalka ka socda waqooyiga Mali ee lagula jiro kooxaha mintidiinta.

Waxaa dagaaladaasi lagu dilay ciidamo badan oo militariga dalkaasi Mali ka tirsan.

MM Staff

Read Previous

Muxuu salka ku hayaa socdaalka Mike Pomopeo iyo Abiy Ahmed ee Sudan?.

Read Next

Xasan Sheekh oo ka dhawaajiyay waxa looga hadlay Kulan uu la yeeshay Fahad Yaasiin.