Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Xeerka Warbaahinta oo agyiil muddo 8 bil ah!

Sida ay Mustaqbal u sheegeen madaxda Ururada Warbaahintu xeerar uu kamid yahay Xeerka Saxaafadda ayuu saxiixay madaxweyne Farmaajo kaddib muddo kudhow 8 bil oo xeerkaasi agyiil madaxweynaha islamarkaana sugayey in la saxiixo, MW Farmaajo ayaa horay u sheegay in uu la tashi iyo faaqidaad gelinayo Xeerka saxaafadda kahor inta uusan saxiixin islamarkaana aan lagu soosaarin faafinta rasmiga ah.

Madax katirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa u sheegay Mustaqbal in Munaasabad lagu maamuusayo Saxiixa Xeerka Warbaahinta ay qabanqaabineyso Wasaarraddu iyada oo ay kaqaybgelayaan Ururada Warbaahinta, madaxda xarumaha Saxaafadda gaarka loo leeyahay, Wasaaradda Warfaafinta iyo madax kale oo katirsan xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Macalimuu xog-hayaha ururka Suxufiyiinta FESOJ ayaa u sheegay Mustaqbal in qodobada ugu waaweyn ee cabashada Saxaafaddu ku wajahan tahay ay yihiin:

  1. Qaabka xeerku farayo in uu u dhismo golaha saxaafadda Qaranka
  2. Maxkamadaha awoodda ama Ikhtisaaska u leh gelidda dacwooyinka la xiriira Warbaahinta
  3. Hannaanka Ruqsadda Warbaahinta loo bixinayo & lacagaha dabaajiga
  4. Iyo Nuuca ay noqonayaan Dacwooyinka xiriirka la leh saxaafadda.

Kulan looga hadlayey xeerka Saxaafadda iyo sida laga yeelayo dhowr qodob oo Ururada Warbaahinta cabasho iyo dood ka keeneen ayaa dhacay January-2020, kulankaas oo madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda Ururada Saxaafadda ayaa madaxweynaha loogu gudbiyey si guud qodobada iyo farqooyinka ku jira xeerka Saxaafadda ay cabashadu ka taagan tahay.

Xeerka saxaafadda ayaa kamid ah xeerarka jiitamaya muddada dheer iyada oo uu horay u saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hayeeshee dib u eegidda iyo wax ka beddelidda xeerka ayaa billowday kaddib cabasho ay muujiyeen Ururada saxaafadda.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda July-2019 iyada oo Aqalka sare ee Baarlamanakuna meelmariyey Jan-2020, xeerka saxaafadda ayaa hadda sugaya saxiixa madaxweynaha.

General Editor

Read Previous

Xasan Sheekh oo ka dhawaajiyay waxa looga hadlay Kulan uu la yeeshay Fahad Yaasiin.

Read Next

Booliiska Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Muqdisho.