Axel Witsel ayaa lagu soo waramayaa inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Germany ee Dortmund.
Laacibkan ayaa lagu wadaa inuu qalinka ku duugo heshiiska uu kula joogayo kooxdan waxaa uuna sanadkii qadanayaa aduun dhan £ 10million
29 jirkaan ayaa 18kii bilood ee u danbeysay wuxuu ku sognaa horyaalka Chine waxaana xili hore dalabyo kala duwan kasoo gaaray kooxaha Chelsea iyo Arsenal.
Witsel ayaa ka mid ahaa xidigihii matalay xulka Belgium koobkii aduunka ee dhawaan soo dhamaaday.
