Gaalkacyo: Rasaas dad ku dhinteen oo ka dhacday Garoonka Cabdullahi Yuusuf

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhawaacmeen kaddib markii maanta la isku rasaaseeyay gudaha Garoonka Cabdullahi yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta ayaa billaabatay kaddib markii dhallinyaro ku hubeysan qoryaha fudud ay darbiga Garoonka ee gudaha ah ku billaabeen dhagax dhig iyo dhismo,waxaana ay isku dhaceen ilaalada Garoonka.

halkaas waxaa ku geeriyooday Askari Magaciisa lagu soo gaabiyay Birre waxaa kale oo uu dhaawac soo gaaray 4 Qof oo kale oo ka mid ah dhinacyada halkaas isku rasaaseeyay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa agagaarka Garoonka ka taagnaa muran dhinaca dhulka ah,iyada oo maanta ay halkaas rasaas ka dhacday.

Maamulka Gaalkacyo qeynta Puntland wali kama hadlin israsaaseynta Maanta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Mustaqbal media

Read Previous

Witsel oo si rasmi ah ugu biiray Borussia Dortmund

Read Next

Chelsea oo dalab gaaraya 89 milyan oo ginni ka gudbisay Goolhaye Oblak.