Chelsea oo dalab gaaraya 89 milyan oo ginni ka gudbisay Goolhaye Oblak.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee ‘Mundo Deportivo’, Chelsea ayaa ku dhaw  saxiixa xiddiga kooxda Atletico Madrid Jan Oblak kaas oo loo arko inuu yahay badalka Courtois oo wali uusan cadeyn mustaqbalkiisa Chelsea.

Chelsea ayaa haatan wakhtiga tartan la gali doonta ka hor khamiista si ay u hesho badalkiisa iyada oo doonaysa 4 Goolhaye midkood kuwaas oo kala ah Jack Butland,Pepe Reina,Jan Oblak Iyo Sergio Rico.

Courtois ayaa la doonayay in uu soo xaadiro kulankii Community Shield-ka si uu u daawado kooxdiisa sida xiddigaha Eden Hazard iyo Kante kuwas oo joogay Laakiin Goolhayaha ayaan si la mid ah iman kulankaas.

26 jirkan oo uu qoyskiisu ku nool yahay Madrid ayaa si weyn u doonaya in uu ku laabto halkaas xilli ay kooxda Real Madrid doonayso adeegiisa.

Real Madrid oo muddo ku raad joogtay Goolhayaha ayaa miiska u saartay chelsea dalab lacageed oo dhan 35 milyan oo euro halka ay sidoo kale wadahadalo kula jirto.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Gaalkacyo: Rasaas dad ku dhinteen oo ka dhacday Garoonka Cabdullahi Yuusuf

Read Next

Barcelona Oo diyaar la ah Yerry Mina, Gomes iyo 50 Milyan si ay u hesho Paul Pogba.