Daafaca kooxda AC Milan Ricardo Rodriguez ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Arsenal.
Gunners ayaa durbadiiba kuso laabatay suuqa Unai Emery ayaawal walka qaba dhaawacyada soo gaaray Nacho Monreal iyo Sead Kolasinac.
Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, waxa ay keeni kartaa in kooxda ka dhisan Waqooyiga London inay u dhaqaaqdo Rodriguez maalmaha soo socda.
Daafacaan ayaa Milan u saftay 44 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore, laakiin kooxda reer Talyaani ayaa suura gal ah iney iska iibiyaan xidigan.
Arsenal ayaa diyaar la ah dalab gaaraya 30 milyan oo ginni si ay u helaan adeega xidigan.
