Joe Hart oo lacag la’aan ugu tagayo Manchester City.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-07-22 21:58:31Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaaneyso Joe Hart inuu ka tago xagaaga 2018-19.

31-jirkaan oo ka maqnaa xulka England  Koobka Aduunka 2018, ayaa labo xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaatay Torino iyo West Ham United ka dib markii loo arkayay inuu yahay xidig aan boos ka heleynin City.

Hart ayaa ka mid ah xidigaha  diyaar garowga xilli ciyaareedka ee kooxdiisa, lakiin waxaa la filayaa inuu ka tago xagaagan.

Sida laga soo xigtay The Times, Citizens ayaa haatan diyaar u ah inay Hart iska  fasaxdo xagaagan.

Goolhaye oo wali hal sanno ka harsan heshiiskiisa haatan, ayaa xirfadiisa ciyaareed ku bilowday Shrewsbury Town ka hor inta uusan ku biirin City 2006dii.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Dani Parejo: ‘Waxaan doonayaa inaan sii joogo Valencia “

Read Next

Gonzalo Higuain oo ku dhaw inuu ku biro AC Milan.