Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda
Kabtanka Valencia Dani Parejo ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu sii joogo Los Che xagaagaan inkastoo uu soo bandhigay xiisaha kooxda heysata horyaalka Spain ee Barcelona.
29 jirkaan oo Valencia la joogay tan iyo 2011, ayaa la aamisan yahay inuu tixgelin doono dalabka Barcelona, iyadoo Catalan ay u muuqato inay ka dhigto badalka Andres Iniesta iyo Paulinho.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii wato noloshiisa Valencia, madaama kooxdu ay isku diyaarineyso inay ka ciyaarto Champions League xilli ciyaareedka 2018-19ka.
“Waa xilli ciyaareedkeygii sideedaad ee aan jogo kooxda, waxaana doonayaa inaan halkaan sii joogo” ayuu Parejo u sheegay jariirada Marca. “Ciyaartoyda oo dhan waa la sharfi doonaa inay u ciyaaraan koox sida Valencia ah, waan ku faraxsanahay halkan, waxaan doonayaa inaan sii joogo.”
Parejo ayaa dhaliyay 10 gool dhaliyey 42 kulan oo uu u saftay Valencia xilli ciyaareedkii hore.
