Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay Biriq ku dhufatay degaankii ay ku noolaayeen.
Biriqda ayaa shalay gelinkii dambe ku dhacday degaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay,waxaana Biriqdaasi la socotay Roob xoog leh oo ka da’ay Gobolka Baay.
Biriqda ayaa ku dhufatay Tuulada Kanaanax ee hoostagtay Buula Fulaay waxaana ay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawac tiro kale.
Roobka Guga ayaa inta badan ka curtay Gobollada dalka,waxaana sanadkan u muuqdaa mid dib u dhac uu ku yimid xilligii uu iman jiray.
Kulayl aad u daran ayaa ka jira sidoo kale Gobollada qaar,waxaana Jubbooyinka Puntland, Somaliland iyo Muqdishaba laga dukaday Salaadaha Roob doonka ah.
