Somaliland: Xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo taageeray Guddiga doorashada.

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa taageeray guddiga doorashada ee Somaliland,waxaana  shir maanta ay ku yeesheen Hargeysa ka sheegeen in uu fashil ku dhamaaday wadahadal u dhaxeeyay saddexda Xisbi.

Labada Xisbi ee Maanta shiray ayaa sheegay in ay taageersanyihiin in Guddiga doorashada ee hadda  jira sii joogo inta waqtigooda ka dhamaanayo.

Xisbiga Waddani oo ka mid ah Axsaabta Mucaaridka ah ayaa ku dhawaaqay in uu kalsoonida kala noqday Guddiga doorashada Somaliland oo uu ku eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin xilligii doorashadii dhacday 13kii November 2017.

Xisbiga Kulmiye oo hadda talada haya iyo Xisbiga UCID oo mucaarid ah ayaa isku raacay in Guddiga shaqafa sii wadaan marka waqtigooda dhamaadana la soo magacaabo Guddi cusub oo 7 xubnood ka kooban.

Waxaa ay sidoo kale Labadan Xisbi ku eedeeyeen Xisbiga Waddani in uusan dooneyn doorasho waqtigeeda ku dhacda kaddib markii uu diiday in Guddigan hadda jira shaqada sii wadaan.

Web master

Read Previous

Biriq dad ku dishay Gobolka Baay

Read Next

Man United oo £60m ku dooneysa saxiixa Coutinho.