MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Maxkamadda darajada 1aad ee Maamulka Puntland ayaa xukun iyo Ganaax lacageed isugu dartay sarkaal horay uga tirsanaa Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland kaas oo musuq lagu soo eedeeyay.
Ninkan oo 26 jir ah ayaa ka tirsanaa qeybta Dakhli ururinta Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waxaana eedaha loo heysto ka mid ah lunsiga lacag dhan $2751 doollar, sameynta waraaqo been abuur ah oo uu lacago ku qaadanayay iyo eedo kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Puntland Abuukar C/Nuur Jaamac ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh ku xukumay 4 Sano oo Xabsi ah iyo bixinta lacag ganaax ah oo gaareysa $500 Doollar.
Booliska Maamulka Puntland ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh waxaa ay ka qabteen degmada Carmo ee Gobolka Bari.
