MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay qodobada ka soo baxay shir ay Magaalada Nairobi ku yeesheen kooxaha mucaaridka ah ee Soomaaliya.
Wasiirrada Warfaafinta iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah aysan wax caburin ah u geysan Mucaaridka ku sugan muqdisho.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Mucaaridka ay diideen marka ay kulmayaan in ay la xiriiraan Wasaaradaha ay arrintooda quseyso so loo sugo amnigooda.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa isaguna sheegay in shirka Mucaaridka uu fiicanyahay haddii ay ka soo baxayaan wax horumarinaya dowladnimada Soomaaliya waxaase uu ka digay in lagu talax tago.
Kooxaha Mucaaridka ah ee ku shiray Nairobi ayaa ku baaqay in la beddelo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay sheegeen in ay ku fashilantay Amniga Dalka.
