MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Caddaawe Cali Aadan oo ka mid ahaa bahda Ciyaaraha Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray raas uu ku furay Nin hubeysnaa
Weerarka lagu dilay Caddaawe ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Galdogob,waxaana Nin hubeysan uu rasaas la dhacay Caddaawe oo ka mid ahaa maamulka Ciyaaraha degmadaasi.
Laamaha amniga Maamulka Puntland ee ku sugan Galdogob ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninka dilka geystay haddana uu ku jiro xabsiga.
Lama shaacin sababta Ninka hubeysan uu u toogtay Caddaawe oo weerar ku dhaawacmay hayeeshee markii dambe u geeriyooday weerarkaas.
Degaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug waxaa ku badan aanooyinka qabiillada inkasta oo weerarka xalay aan la xaqiijin in uu xiriir la leeyahay qabyaalad.
