Faah-faahin kasoo baxeysa qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Degmada Maxaas.

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax ka dhacay Degmadaas uu ku geeriyooday Cabdirashiid Cusmaan Carab Gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda Degmadaasi.

Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray askar katirsan Maamulka Degmada Maxaas, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka si looga daweeyo waxyeelada gaartay.

Goobjoogayaal iyo mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegay in qaraxa Miino lagu xiray Geed ay inta badan duhuradii isugu tagi jireen Askarta iyo xubnaha maamulka qaarkood.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Maxaas ayaa goobta tagay, ciidamada ka howlgala degmada ayaa sameeyay baaris kooban.

Al-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaan waxa ay sheegeen in Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maxaas iyo afar kamid ah Ilaaladiisa ay ku dileen Qaraxa.

Web master

Read Previous

wasiir Canshuur oo dalbaday in wax lagala qabto dadka banaan baxyada ka abaabula baraha Bulshada.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo saraakiisha Ciidanka Danab kula kulmay Shabeelaha Hoose.