Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa garsoorka dalka ka dalbaday in ay ka gacansiiyaan wax ka qabashada shaqsiyaadka baraha bulshada ka abaabula dibadbaxyada.
Wasiir Canshuur ayaa sheegay in ay wasaaradiisu awoodda wax ka qabashada ama tilmaamidda shaqsiyaadda ku howlan abaabulidda isku soo baxyada oo ay ka dhashaan Rabshada iyo boobka sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in sharciga Wasaaradda uu ka hor imaanayo qodobka ku aadan sameynta ama iska hor keenidda dadka.
Hay’adaha amniga Dowladda iyo kuwa Garsoorka ayuu sheegay in ay wax ka qabtaan shaqsiyaadkaas, iyada oo aan laga gudbeen sharciga.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ka hadlay diiwaangelinta Teleefanada gacanta.
Caqabadda hortaagan in la diiwaangeliyo dadka qaata telefoonada gacanta waxa uu ku sheegay in aan la bixin Aqoonsiga diiwaangashan ee Shaqsiga (National ID).
Waxa uu sheegay Wasiir Canshuur in aan hadda xadidneen qaadashada Simikaarada ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta, balse hadii dhanka Dowladda Federaalka ay qof waliba u sameyso aqoonsigaan uu qofka kaliya qaadanayo hal laf (Sim Card).
Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada Soomaaliya ayaa tilmaamay in dadka shacabka ah iyo dhinacyada kasoo horjeeda Dowladda ay ku kala duwan yihiin qaadashada aqoonsiga.
Waxyaabaha qofka lagu qiimeynayo oo lagu siinayo adeegyada uu u baahan yahay ayuu ku sheegay heysashada aqoonsiga, dhanka Dowladdana ay dhowaan soo gabagabaynayaan aqoonsiyada, si dadka loo kala garto.
