Madaxweyne Farmaajo oo saraakiisha Ciidanka Danab kula kulmay Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta socdaal aan horay loosii shaacin ku tagay deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo dhawaan Ciidanka Danab ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Ammaanka Deegaanada uu tagay Madaxweynaha ayaa aad loo adkeeyay, waxaana duleedyada lagu daadiyay Ciidamada Danab.

Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalka ku wehliyay xubno katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka saraakiil kale ay kasii hormareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Danab ku dhiira-geliyay in ay sii wadaan howlgalada ay isugu fidinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu la kulmay qaar kamid ah dadka deegaanka isaga oo ka xog wareystay xaaladda deegaanada Sabiib iyo Caanoole, isaga oo ka dalbaday in ay caawiyaan ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya.

Todobaadyo kahor Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay Deegaanada Sabiib iyo Caanoole, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa 10-kii bishaan tagay Deegaanka Sabiib, waxa uu goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka.

Web master

Read Previous

Faah-faahin kasoo baxeysa qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Degmada Maxaas.

Read Next

Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo Maanta Muqdisho yimid.