Waddamada Bariga Afrika oo ku heshiiyay ciribtirka Gudniinka fircooniga ah

Waddamada dhaca Bariga Qaaraddan Afrika ayaa ku heshiiyay in ay u midoobaan sidii loo dhameyn lahaa gudniinka fircooniga ah oo inta badan ka jira dalalkaas.

Saraakiil sar sare oo ka kala socota dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Uganda, iyo Tanzania ayaa soo gaba gabeeyay shir ay saddex maalmood ku lahaayeen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Dhamaadkii Shirka ayaa wakiillada ka kala socday dalalkaas waxaa ay wadajir u saxiixeen heshiiska lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah ee lagu fuliyo gabdhaha.

Warbixin ay baahisay Hay’adda UNICEF ayey ku sheegtay in 200 Milyan oo Gabdhood ay wajahaan gudniinka fircooniga ah sanad kasta waxaana ka mid ah Gabdhaha ku nool 30 dal oo Afrika ku yaalla.

Dalalka Heshiiskan saxiixay waxaa ku nool 48.5 Milyan oo Gabdhood oo wajahay Gudniinka Fircooniga ah sida lagu sheegay warbixinta UNICEF,waxaaana afar meelood ay meel ka yihiin Gabdhaha ku nool dalalka Barifa Afrika.

Web master

Read Previous

East African states unite to eradicate female genital cut

Read Next

Al-shabab oo sheegtay in 20 ka mid ah Askarta dowladda ay isku dhiibeen