Wargeysyada Caalamka iyo waxyaabaha ay Ciyaaraha ka qoreen.

Kooxda chelsea ayaa ku adkaysanaysa in ay Eden Hazard ku iibiso lacag dhan 100 milyan oo euro xilli xiddiga reer Belguim ku dhaw yahay Kooxda Real Madrid (Independent).

Blues ayaa dhanka kale la xidhiidhay wakiilka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo ay xiiso u qabaan adeegiisa halka ay sidoo kale doonayaan weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Alexander Isak (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara ee Memphis Depay hadii uu Sadio Mane ka tago kooxda xagaaga (L’Equipe).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa ka shalaynay in uu ka tagay Barcelona sida uu sheegay Xiddigii hore ee ay isku xulka ahaayeen Ee Adriano (Cadena Ser).

Kooxda Man United ayaa si joogto ah ula socotay qaab ciyaareedka xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka Belguim ee Thomas Meunier tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele ayaa bartilmaameed u noqday Man United si ay ugu badasho Ander Herrera laakiin waxa ay tartan kala kulamysaa kooxo badan oo reer yurub ah (L’Equipe).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Uganda: Baaskiil loo isticmaalo ambalaas ahaan oo lagu qaado dadka xanuunsan.

Read Next

Ra’isalwasaare Kheyre oo magacaabay Saddex Wasiir