Ra’isalwasaare Kheyre oo magacaabay Saddex Wasiir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Saddex Wasiir oo cusub,kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday xafiiska R/wasaaraha XFS ayaa lagu magacaabay,Mudane Saalax Axmed Jaamac,Wasiirka Dastuurka,Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa waxaa loo magacaabay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha,Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Wasiirka Shaqada iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta waxaa ay ka mid ahaayeen Golaha shacabka gaar ahaanna Guddiga difaaca halka Wasiirka cusub ee Dastuurka horayna u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha uu yahay Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka.

Wasaaradda Dastuurka waxaa horay u hayay C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo 8dii March ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha waxaa iska Casilay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Web master

Read Previous

Wargeysyada Caalamka iyo waxyaabaha ay Ciyaaraha ka qoreen.

Read Next

Sirdoonka Pakistan oo fashiliyay weerar ay Hindiya la damacsaneyd