MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Wasiirka waxbarashada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdulaahi Guudax Barre iyo Taliya Ciidanka Asluuta Sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay maxaab ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.
38 Maxbuus oo bartay xirfado kala duwan ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyay,waxa ayna barteen xirfado ay ka midyihiin Saxaafada iyo Computerka iyaga oo ka bartey iskuulka Rayo oo ku dhexyaal Xabsiga dhexe.

Wasiirka waxbarasha Xukumada Soomaaliya Cabdulaahi Guudax Bare ayaa talaabadaan ku bogaadiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo tababarkaan siiyay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan tababarada ay siinayaa Maxaabiista ku xiran xabsiya Magaalada Muqshisho ee Caasimada Soomaaliya,
