RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
War goordhow naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay la baxday danjiraheedii Soomaaliya, halka danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) lagu amray in uu ka boxo Kenya.
Kenya waxaa ay Soomaaliya ku eedeysay in qeyb ka mid ah Badda Kenya oo uu shidaal ku jiro ay Soomaaliya sheegatay, kuna oggolaatay in sahan shidaal baaris ah lagu sameeyo.
Xukuumada Nairobi Ma bixin faah faahin intaas dhaafsiisan, iyadoo warkan cusub ay aad u hadal hayaan Warbaahinta gudaha Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya waxaa u dhexeeya dacwada Badda, taasoo la filayo in Sanadkan gudihiis go’aan laga gaaro.
