Ganacsato Somali ah oo lagu boobay Koofur Afrika

Dalka Koofur Afrika waxaa lagu boobay Ganacsi badan oo ay lahayd Soomaali kaddib markii ay weerareen dad burcad ah.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in 7 Dukaaan oo ay Soomaali lahayd lagu boobay Magaalada Libobwa ee Dalka Koofur Afrika

Cabdi Mahad Bilow oo ka mid ah Ganacsatada Dukaanlleyda ah ayaa sheegay in markii ay la kulmeen weerarka ay u yeerteen Booliska.

Waxaa uu intaas ku daray in markii ay Booliska soo gaareen ay ugu tageen Dukaamadii oo la boobay qaarkoodna dab la qabadsiiyay iyaguna naftooda kala baxsadeen.

Si joogto ah ayaa dalka Koofur Afrika loogu waxyeelleeyaa Ganacsatada Soomaalida ah,waxaana Booliska dalkaas ay sheegeen in mararka qaar dhibaatada ay isku hayaan dadka Soomaalida ah dhexdooda.

Mustaqbal media

Read Previous

Nabadoon lagu dilay Afgooye iyo howlgalka saaka ka socda

Read Next

Indha-Qarshe oo kala hadlaya AMISOM dagaalka Al-shabab