Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in ay socdaan kulamo ay la leeyihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Jeneraal Indha-qarshe ayaa sheegay in taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiisha AMISOM ay 4ta Bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan kulan la xiriira howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in marka ay la kulmaan AMISOM ay la wadaagi doonaan qaabka ay doonayaan in AL-shabaab loola dagaallamo 2019ka.
Waxaa kale oo uu intaas raaciyay Jeneraal Indha-qarshe in Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ay iska kaashan doonaan xogaha sidoo kalena ay wadaagi doonaan warbixinnada la xiriira howlgalka.
Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay u shaaciyay in sanadka 2019 uu noqonayo sanadka Al-shababa laga saarayo dalka islamarkaana Bisha January la billaabayo howlgal ka dhan ah AL-shabab.
Laakiin Bisha January ayaa dhamaatay iyada oo wali uusan billaaban howlgalka waxaana wali socda sida ay ku doodayaan dhincyada qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.
