Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa saaka ka socda howlgal ay sameyanayaan ciidamada maanka.
Howlgalkan ayaa daba socda dil xalay koox hubeysan ay u geysteen Nabaddoon caan kahaa magaalada.
Koox hubeysan ayaa nabaddoon lagu magacaabi jiray Xayeysi Mursal Abiikar ,kaas oo ka mid ahaa ergada wax ka soo xulay Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa sheegay in labo Qof oo Baskoolado ku hubeysnaa ay toogteen Nabaddoon Xayeysi kaddibna isaga baxsadeen goobtii ay ku dileen.
Ciidamada amaanka ayaa saaka wada howlgal ay ku sheegeen in lagu baadi goobayo dadkii dilkaas ka dambeeyay.
