Qaramada Midoobe oo War kasoo saartay Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa lagu faah-faahiyay Weerar Hoobiyaal loo adeegsaday oo ay Al-Shabaab maanta ku qaadaan Xerada Xalane.

Xerada oo qayb kamid ah ay ku shaqeeyaan Xafiisyada Qaramada Midoobe Hoostaga waxa uu Haysom sheegay in ay kaga dhaawacmeen labo kamid ah Shaqaalahooda.

Waxa uu tilmaamay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo fudud, isaga oo u rajeeyay in ay kasoo bogsadaan.

”Todobo Madfac ayaa lagu soo tuuray Xerada Xalane, Labo Ruux oo kamid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobe ayaa dhaawac fudud soo gaaray iyo Ruux kale, mana ahan kuwo halis ah” ayuu yiri u qaabilsanaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waa uu sii hadlay Ambassador Haysom waxa uuna sheegay in Qaramada Midoobe ay cambaareyneyso Weerarada lagu bartilmaameedsanayo Shaqaalahooda.

“Maanta weerarka dadban ee lagu qaaday Xafiiska Qaramada Midoobe ee Muqdisho waxa uu ka dhignaa mid lagu carqadeyayo Sharciga Caalamiga ee Aadanaha, laguna gaarayo u jeedooyin Siyaasadeed” ayuu yiri Haysom.

“Laguma gaarayo Hadaf Siyaasadeed Qalalaasaha ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’ado Caalami ah oo Dowladda Soomaaliya ka taageerayo la talinta Ammaanka iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladda, waxaan u rajeyneenaa dadka dhaawacmay in ay kasoo kabtaan” ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobe Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weeraradaan oo ay tilmaamay ay khasaare naf iyo mid maaddi ah uu ka dhashay, inkasta oo aysan cayimid inta uu gaarsiisan yahay.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Al-Shabaab oo Weerar ay u adeegsatay Madaafiic ku qaatay Xerada Xalane. (Sawirro)

Read Next

Special UN Envoy To Somalia Condemns Indirect Fire Attack on UN Compound In Mogadishu.