Al-Shabaab oo Weerar ay u adeegsatay Madaafiic ku qaatay Xerada Xalane. (Sawirro)

Ku dhowaad 7-Hoobiye ayaa maanta lagu tuuray Xerada Xalane oo Saldhig u ah Ciidamada AMISOM iyo Xafiisyada Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhowr Hoobiye oo ku dhacay Xerada ay bur-bur maaliyeed u geysteen Guryo u badan Xafiisyo oo ku yaalla Xerada.

Sawirro laga soo qaaday Xalane waxaa ka muuqda Burbru ay geysteen Madaafiicda ku dhacay Xerada.

Lama soo bandhigin khasaare Naf oo ka dhashay Hoobiyaasha ku dhacay Xerada Xalane oo ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyo maadaama taliska ugu weyn AMISOM uu ku yaallo, kuna howlgalaan Xafiisyada hoostaga Qaramada Midoobe iyo safaarado Kooban.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegeen in ay khasaare Naf iyo Maal ah uu ka dhashay Weerarkooda Xalane inkasta aan shaacin inta uu gaarsiisan yahay.

Weerarkaas ayaa tilmaameen in ay geysteen Guuto ay sheegeen in ay u tababaran yihiin Madaafiicda.

Ma jiro war kasoo baxay AMISOM iyo Xafiisyada Hoostaga Qaramada Midoobe ee ku shaqeeya Xerada Xalane oo ay kaga hadlayaan weerarkaan.

Ciidamada Uganda qaybta la shaqeysa Qaramada Midoobe.
Xafiisyada ku waxyeeloobay Madaafiicda.
Waxyeelada gaartay Dhismaha Xalane ku yaalla.
Caleemaha Geedaha

Mustaqbal media

Read Previous

Hoobiyayaal ku dhacay Degaanka Garasbaaleey

Read Next

Qaramada Midoobe oo War kasoo saartay Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane.