Hoobiyayaal ku dhacay Degaanka Garasbaaleey

Ugu yaraan Lix Hoobiye ayaa lagu garaacay Degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaas aysan ka dhalan wax khasaare ah.

Hoobiyayaasha ayaa inta badan ku dhacay agagaarka Guryaha Mas’uuliyiinta Maamulka degaankaas ay degganyihiin inkasta oo aysan wax yeello soo gaarin.

Sidoo kale Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhacay agagaarka Xarunta Taliska Booliska uu ku leeyahay degaankaas oo lagu magacaabo AC-da.

Xubno ka mid ah Maamulka degaanka ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in saddex Askari ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala beegsaday Saraakiisha degaanka Garasbaaley oo ku baxay goobta Hoobiyayaasha laga soo tuuray.

 

Mustaqbal media

Read Previous

2; Qof oo Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday Wajeer

Read Next

Al-Shabaab oo Weerar ay u adeegsatay Madaafiic ku qaatay Xerada Xalane. (Sawirro)