2; Qof oo Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday Wajeer

Maamulka Magaalada Wajeer ee Gobolka Soomaalida Kenya ayaa sheegay in ilaa hadda labo qof ay u dhinteen Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degaankaas.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maamulka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Aadan Xasan ayaa sheegay in ilaa hadda 88 Qof uu cudurka ku dhacay islamarkaana ay labo qof u geeriyoodeen.

Waxaa uu Aadan sheegay in ay degaanka ka billaabeen Wacyi gelinta Cudurkan oo fara ba’an ku haya dadka degaanka.

Inta badan degaannada Miyiga ayuu sheegay in uu dadka kula dhacay islamarkaana la keenay Isbitaallada Magaalada Wajeer.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Cudurkaasi halis yahay islamarkaana inta badan ay u dhintaan dadka yar yar.

Mustaqbal media

Read Previous

Measles kills two in Wajir County

Read Next

Hoobiyayaal ku dhacay Degaanka Garasbaaleey